Nolosha ayaa u samaysan farxad iyo murugo isku lammaan, rejo iyo quus isku sidkan, jacayl iyo nacayb isku jeeni qaaran iyo gar iyo gardarro isku cayn wareegaya. Intaas oo halbeeg ka uu miisaankiisu bato ayaa ka kale muuqinaya. Haddaba, qofku marka ay ku itaalsadaan murugo iyo quus oo kale, wuxuu fikir iyo hawl badan ku bixiyaa sidii uga baxsan lahaa oo dabinkaa ugu lug bixi lahaa. Taasi mararka qaar wuxuu is tusaa inay jiri karto nolol ka madaxbanaan waxan uu dabr
Stay Connected
Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.