Cover of Geeridii Ivan Ilyich

Geeridii Ivan Ilyich

by Leo Tolstoy

Markuu magaalo kale u guurey, si uu u qabto jagada cusub ee baadhennimo, wuxuu Ivan Ilyich samaystay macaariif iyo xidhiidho cusub. Wuxuu u dhaqmay qaab cusub. Wuxuu raacay waddo tii hore ka yara duwan. Madaxdii gobollada ayuu iska yara weyneysiiyey. Wuxuu doortay kooxii ugu fiicnayd magaalada oo ka kooban sharciyaqaanno iyo dabaqaddii ladnayd ee magaalada deggenayd. Wuxuu bilaabay inuu muujiyo qanaaco-la’aan door ah oo dawladda ku aaddan, liberaalinnimo dhexdhex

Stay Connected

Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.

We'll send you updates about new books, author spotlights, and cultural insights. Privacy policy