Qaamuuskani waa mirihii hawl adag oo muddo dheer soo socotay. In uu
mudadaas dheer qaato waxaa ugu wacan maadaama uu qayb ka ahaa sababihii
loo sameeyey mashruuca Cilmibaarista Soomaaliyeed (Studi Somali)1, waxaa
hawlgalkiisu billaabmay kaddib markii la soo saaray sannadka 1985
Qaamuuska Soomaali-Talyaani (Agostini F., A. Puglielli e Ciise M. Siyaad,
Dizionario Somalo-Italiano, Roma, 1985); sababta ay hawshiisu u adkaatayna
waxay ahayd iyadoo billowgii dagaalka sokeeye ee 1991 uu caqabad ku
noqday sii wadidda hawshii qiimaha lahayd ee lagu qabtay Akademiyadii
Fanka, Suugaanta iyo Sayniska ee Muqdisho. Waxaase nasiib wanaag ah in
dalka Taliyaaniga ay yaaleen nuqulladii macluumaadkaas oo laga
shaqeeynayey ilaa muddadaas. Inkastoo qaybo ka mid ah oo aan nuqulkooda
la haynini ay ku baaba’een Soomaaliya, intooda badani way badabaadeen.
Joogsiga mashruuca iskaashiga “Somalia-Italia” iyo burburkii ku dhacay
Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed iyo Akedemiyadii, sida hay’adaha kale
ee qaranka, iyo guud ahaan xaaladihii colaadeed ee dalka ka jiray waxay
sababeen in dib u habayn xoog leh lagu sameeyo mashruuca qaamuuska.
Arrintan iyada ah dhowr jeer ayaan horay uga faalloonay.
Stay Connected
Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.