Wehelka Muslimka: Qayb ka mid ah Ducooyinka Muhiimka u ah Qofka Muslimka ah
W.Q. Abdullahi Hassan Farah (San'aani)
2024
Ku saabsan Buuggan
Wehelka Muslimka: Qayb ka mid ah Ducooyinka Muhiimka u ah Qofka Muslimka ah waxaa sababay qoriddiisa siyaabahan: In badan oo dadkeenna ka mid ah, in aanay aqoon ulahayn ducooyinkii Nebigeennu (ﷺ) ina baray;Qoraalada ducooyinka ah, oo luuqaddeenna ku qoran oo yar;Waqtiga la joogo oo ah waqti dadku adduunyo mashquul ku yihiin, xusiddii Eebbena ay yaraatay, marka laga reebo in yar oo Eebbe u naxariistay. Tiiyoo aan ku baraarugsannahay Alle xuskiisa iyo baryadiisu ahmiyadda ay leedahay;Soo kordhinta kitaab kooban oo xambaarsan ducooyin kooban, qofkuna waqti yar ku dheehan karo;Anigoo rajaynaya in Eebbaha sare, aniga iyo inta uu kitaabkani gaaraba ku anfaco adduun iyo aakhiro labadaba.
Stay Connected
Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.