Ku saabsan Buuggan
Sabriye Macallin Muuse waa qoraa u ol'oleeya in Ummadda Soomaaliyeed afkeeda hooyo aqoonta laameheeda kala geddisan lagu gaarsiiyo, loogana haqabtiro. Buuggan RAAXADA GUURKA markii ugu horreysay waxa uu Dooxa-Qadar ka soo baxay sanadkii 2002-kii. Waxa uu ahaa buug Af Soomaali ku qoran oo noociisa ah kii ugu horreeyey, dagaal, bogaadin iyo dood bandanna aan kala kulmay. Run ahaantii, RAAXADA GUURKA waa, ilaa iyo iminka, buugagta la daabacay ee mooduuca guurka iyo gacal doorashada afka hooyo uga hadlaya, kii ugu caansanaa uguna af dheeraa, in kasta oo buugag badani xilligii isaga la daabacay wixii ka dambeeyey ay suuqa soo galeenna, buug u dhigma weli lama haayo. Akhristaha sharafta lahow, daabacaaddii labaad ee RAAXADA GUURKA ayaa ku hortaal, waxana weeye daabacaaddii koowaad oo dib loo tifaftiray, loo qaabeeyey, loona turxaan bixiyey, wixii mowduuca guurka muddadaas shan iyo tobanka sano ah ku soo kordhayna laguugu soo daray.
Buugaagta La midka ah
Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed: Daraasaad Af iyo Dhaqan (Somali Edition)
Cabdalla Cumar Mansuur
2016
Halka laga helo
Taariikhda Culimada Soomaaliyeed
Maxamed Xuseen Macallin
2024
Halka laga helo
Taariikhda Geeska Afrika (Qarnigii 16aad - 19aad)
Cabdillaahi Sh. Axmad
2025
Halka laga helo
Taariikhda iyo luqadda bulshada soomaaliyeed
Cabdalla Cumar Mansuur
2025
Halka laga helo
Stay Connected
Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.