Cover of Maana-faay (Somali Edition)

Maana-faay (Somali Edition)

W.Q. Maxamed Daahir Afrax

2018

Halka laga iibsan karo

Luuqadda: somali
Daabacaaha: LoohPress LTD
Bogagga: 320

Ku saabsan Buuggan

“Xardhidda sheekadan qoraa Afrax wuxuu ku muujiyey hibo farshaxanimo heerka ugu sarreeya. Awood suugaan-yahanimo ayuu albaabka ugu furay dugsi laga baran karo sawiridda qofka aadmiga ah dareenkiisa dahsoon iyo jawiga ku xeeran. Waa sheeko-faneed suugaanta Soomaalida gaarsiisey maqaamkii ay ka mudnayd suugaanta caalamka.” - Prof. B.W. Andrzejewski “Sheeko-casri Af-Soomaali ku qoran Maana-faay waa tii ugu horreysey ee istaahisha magaca ‘sheeko-faneed”. Shaakadan Afrax wuxuu ku muujiyey hibo iyo karti-maskaxeed an caadi ahayn oo taariikhda gali doonta.” - Prof. Cali Jimcaale Axmed. “Maana-faay waxay farta ku fiiqaysaa dhinacyo badan oo ka mid ah xuma-falka ku dhex jira bulshada Soomaalida, taas oo lagu muujinayo dood-wadaagga dhex-maraya jilayaasha sheekada oo mid kastaba ku hadlayo lahjaddiisa iyo heerka garaadkiisa.” - Prof. Lidwien Kapteijns. “Waa sheeko qof kasta gilgilaysa. Waxay i xusuusisay xaafaddaydii Xamar-weyne ee an ku koray; waxay i hor-keentay dad aan qof-qof u garanayo.” - Shariif Maxamed Amiin. “Maana-faay waa dugsigii u horreeyey ee an ka bartay dhisidda toolmoon ee sheeko-faneedda casriga ah. Run ahaantii "Maana-faay" waxay helaysaa billadda ugu sarraysa dhammaan sheekooyinka Soomaalida inta aan ilaa iminka arkay. Qoraaga "Maana-faay", Maxamed Daahir Afrax, waxaan u hayaa abaal ah sheekadiisani in ay ahayd tii i jeclaysiisay akhriska iyo qoraalka sheeko-soomaalida. Waxaan u hibeeyay sheekadayda magaceedu yahay “Aanadii Negeeye”.” - Qoraa sare Ibraahin Axmed Yuusuf “Hawd”

Stay Connected

Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.

Waxaan kuu soo dirayaa macluumaadka buugaagta cusub, qorayaasha, iyo xogta dhaqanka. Siyaasadda Asturnaanta