Cover of Hawaale Warran: Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi (Somali Edition)

Hawaale Warran: Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi (Somali Edition)

W.Q. Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi

2021

Halka laga iibsan karo

Luuqadda: somali
Daabacaaha: LoohPress LTD

Ku saabsan Buuggan

"Haddii hayaankii hore ee Hadraawi ku xidhmay tixdiisii Gudgude, buuggani fikir, han iyo hiyiba, waxa uu soo gebagebaynayaa hayaankiisa labaad ee ay tixdiisa Dabahuwan ballaynsintay. Waa adduun-araggii Hadraawi ee ka biyadiiday horumarka adduunka casrigan ee ay hormoodka ka yahiin dawladaha reer galbeed. Intiisa badan, aragtida buuggu weelaynayaa waxa ay ka soo fufaysaa ruuxa maansayahanka iyo fantasiyaha male'awaalkiisa ee dul lalaya waaqica jiraalka ah ee ka baxsan asaga iyo deexashooyinkiisa. Waa maansayahankii Maxamed Ibraahim Warsame oo tiraab dareersan ku soo gudbinaya waxa duunkiisu jecel yahay iyo waxa uu naceb yahay. Waxa ku wada jira si-arag iyo baaq qurxinaya bulshadii xooladhaqatada reerguuraaga Soomaalida iyo dhaqankeedii oo uu samo iyo wanaag u dhammaynayo." Rashiid Sheekh Cabdillaahi "Rashiid-Gadhweyne""Hadraawi haddii hore looga bartay in uu falsafaddiisa iyo fekerkiisa xuma-diidka ah noogu soo tebiyo tix loo wada qushuuco, maanta wuxuu noogu soo tebinayaa tiraab xambaarsan isla aragtidiisii falsafadeed iyo iftiimintiisii samataliska ahayd; adduun-araggiisii ku salaysnaa ku dhaadashada dhaqan-ummadeedkeennii hore iyo dhuuxa qiyamka Islaamiga ah. Sida caadada u ah halabuurka hormuudka ah, Hadraawi buuggan wuxuu diiradda ku saarayaa, digniin kululna ka bixinayaa xuma-falka iyo dhaliilaha maanta jira, xag dhaqan, xag bulsho iyo siyaasadeedba. HAWAALE WARRAN, waa buug akhristaha siinaya cashar nolosha haga, fartana ugu fiiqaya wax badan oo qaldan; qaladaad haddaan la sixin laga qoomamayn doono goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen." Dr. Maxamed Daahir Afrax, PhD."Hadraawi waxa aannu saaxiibbo ahayn muddo afartan sanno ah, muddadaas kahorna, maansadiisa waan la socday. Waxa uu ka mid yahay, haddii aanu ugu baar fiiqnayn, dhawrkii maansayahan ee ugu waaweynaa ee geyiga Soomaalida soo maray. Waa geesi, deeqsi, waddani iyo indheergarad mu'min ah oo gobannimo badan. Waa nin ka hufan dhaqannada musuqa iyo dulmiga.

Stay Connected

Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.

Waxaan kuu soo dirayaa macluumaadka buugaagta cusub, qorayaasha, iyo xogta dhaqanka. Siyaasadda Asturnaanta