Ku saabsan Buuggan
Riwaayaddan waxay iila eg tahay inaan durbaba carrabka ku dhufto inay tahay riwaayad jaadke da ah tii ugu horreeysey inta aannu og nahay. Waa riwaayad si gaar ah u muujinaysa halgankii Daraawiishta iyo himilooyinkii hoggaamiyahooda; Sayid Maxamad Cabdille Xasan. Ma aha mid aad qosol iyo maad ka filan karto, sida dad badan maskaxdooda ku soo dhacda kolkii ay magac riwaayadeed maqlaan. Waa mid tilmaamaysa noloshii adkayd ee ay ku noolaan jireen urur Soomaaliyeed oo mabda' cad lahaa, goor iyo ayaanna u taagnaa meelmarinta mabda'oodaas ay maanka ku hayeen. Danta aannu riwaayaddaan ka lee nahay, iyada oo aan mid iyo laba lagu soo koobi karin, waxaa noogu weyn: Waa mare, inaannu qoreyaasha riwaayadaheenna tusno jid cusub oo ku saabsan soo-bandhigidda riwaayadaha taariikhda loogaga sheekeeyo. Waxaannu rabnaa inaannu fannaaniinteenna dareens inno inay jiraan siyaalo ka duwan habkii hore ee riwaayadaha aan ku soo wadney tan iyo waagii aynu bilawnay; sanooyinkii konto nadii horraankoodii.
Buugaagta La midka ah
Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed: Daraasaad Af iyo Dhaqan (Somali Edition)
Cabdalla Cumar Mansuur
2016
Halka laga helo
Taariikhda Culimada Soomaaliyeed
Maxamed Xuseen Macallin
2024
Halka laga helo
Taariikhda Geeska Afrika (Qarnigii 16aad - 19aad)
Cabdillaahi Sh. Axmad
2025
Halka laga helo
Taariikhda iyo luqadda bulshada soomaaliyeed
Cabdalla Cumar Mansuur
2025
Halka laga helo
Stay Connected
Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.