Ku saabsan Buuggan
Wajigiisa ayaa aan ka akhristay in ay su'aashu dhibtay. Gadaal ayaa uu u dhacdiidsaday. Dabadeed awood ayaa i soo gashay, su'aal labaad ayaana iga soo fakan gaartay. Balse waan iska qabtay. Gabar ayaa albaabka nagu soo garaacday. Taasi fursad wayn ayaa ay u ahayd Yaasir. Sidii uu ka fakanayo su'aashaydii ayaa uu durba istaagay. Xaggeedii ayaa uu u degdegay. Sharaab qabow oo ay biyo cadi weheliyaan ayaa uu ka soo qabtay. Miis yar oo hortayda yaallay ayaa uu dul saaray. Dabadeed gabadhii oo albaabka taagan dib ugu noqday. "Waad mahadsantahay abbaayo. Haddii aan wax u baahanno Rooble ayaa aan soo wacayaa" ayuu ku yiri. Wuu ii soo noqday. Dhinacayga ayaa uu soo fariistay. Garabka ayuu garabka ii saaray. Waan la yaabay. Si xooggan ayaan dhan kale isugu buuray. Halkiisii hore in uu fariisanayo ayaa aan hanka ku hayay oo jeclaaday. Hortayda ayaa uu awel ka soo jeeday. Sankayga iyo kiisa ayaa isku qummanaa, imminkase garabkayga midig iyo kiisa bidixe ayaa aan waxba isu jirin. Dhalo kooko ah ayaa uu tiigsaday. Hooyo Kafeeya iyo aabbe Fiidow ma foga. Ma foga xilliga ay ogaan doonaan in aannu is doorannay oo waliba is mehersannay. Isaga oo kookadii qaboobayd bushimaha sii saaraya ayaa uu weerahaa sidii oo uu daacsanayo u yiri. "Balse labadayada duruuf ina kala geyn kartaa ma ay jirto. Wiil iyo gabar is jeclaaday oo uu guur xalaal ahi dhex yaallo ayaa aannu nahay." Weerahan kalena waxa ay dalqadiisa ka soo baxeen isaga oo gacantiisa xaggayga u soo wada. Waan isa sii kuusay. Shaki weyn ayaa i galay. Yaasir gacmagacmayn kuma ogayn, balse caawa sidii hore ma aha
Buugaagta La midka ah
Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed: Daraasaad Af iyo Dhaqan (Somali Edition)
Cabdalla Cumar Mansuur
2016
Halka laga helo
Taariikhda Culimada Soomaaliyeed
Maxamed Xuseen Macallin
2024
Halka laga helo
Taariikhda Geeska Afrika (Qarnigii 16aad - 19aad)
Cabdillaahi Sh. Axmad
2025
Halka laga helo
Taariikhda iyo luqadda bulshada soomaaliyeed
Cabdalla Cumar Mansuur
2025
Halka laga helo
Stay Connected
Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.